Wararkii ugu dambeeyay ee Loolanka loogu jiro Qabashada Xilka R/wasaaraha

0

Waxaa magaalada Muqdisho weli ka socda xusul-duubka iyo orodka loogu jiro ciddii beddeli lahayd Raysalwasaare Xassan Cali Kheyre.

Qabashada xilkan ayaa waxaa ku hoos jiro shuruudo la doonaayo in ay fulaan, waxaana ilaa hadda si weyn loo baadi goobayaa sidii leebka iyo qaansada la isula heli lahaa.

Shir-guddoonka Golaha Shacabka oo kala ah Mursal iyo Muudey ayaa dhankooda ka bilaabey in ay suuq geeyaan barnaamijkooda, Sida laga soo xigtay Kulankii ay la qaateen madasha.

Mursal iyo Muudey ayaa ugu horreyn kulan la qaatey Madaxweyne Farmaajo waxaana ay u sheegeen in ay hal doon wada saaran yihiin, halka uu wax ka doonaayona aysan jirin, inuu iska iloobo maamul goboleedyada ee lala heshiisyo mucaaradka ku sugan Muqdisho kuwaas oo ay ku tilmaameen in ay yihiin kuwa sida rasmiga ah wax uga ciideyn kara, ayna ugu horreeyaan labadii Madaxweyne ee hore. Madaxweyne Farmaajo ayaa Mursal iyo Muudey u oggolaadey in ay heshiis iyo gorgortanba soo geli karaan.

Shir-guddoonka Golaha Shacabka Mursal & Muudey ayaa xafiiskooda ugu tegey Madasha Xisbiyada Qaran oo ay kala hoggaaminayeen labadii Madaxweyne ee hore iyo weliba Siyaasiyiin kale, waxaana ay u soo badnhigeen Dowlad midnimo Qaran in la dhiso laba sanona dalka lagu gaarsiiyo doorashooyin xisbiyo ku dhisan, arrintaas waxaa ka xanaaqey Madaxweynihii hore Sheekh Shariif oo shirka isagaba baxay.

Madaxweyne Xassan Sheekh oo markii hore la tuhmey aya isaguna maalintii shalay iska beri yeelay oo sheegay in aan dalkan loo horseedeyn wax sharci darro ah.

Ugu danbeyn madasha Xisbiya Qaran ayaa ku heshiiyey qofkii iskiis wax u raadsanayo in uu doonan karo laakiin aan magaca madasha heshiis lagu geli karin.

Siyaasi Cabdulqadir Cosoble Cali oo laba jeer oo hore u tartamey Madaxweyne, hoggaamiyana mid kamid ah Xisbiyada ayaa Dhankiisa wada Abaabul uu ku doonayo xilka raysalwasaaraha inuuu qabto.

Wararka Qaar ayaa sheegaya in Raysal wasaaraha Cusub la magacaabi doono  1da Agoosto ,  Inkasta oo uu dib uga dhici karo, Waxaana  Magaalada Muqdisho waxaa ka socda Kulamo Xasaasi ah kuwaasi oo lagu Baadigoobayo  Hanashada Xillka Raysal wasaarahaha.