Odayaasha Dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed oo dalbaday in si shuruud la’aan ah lagu sii daayo Cabdimanaan Yuusuf

0

Odayaasha Dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed oo maanta kulan isugu yimid magaalada Muqdisho ayaa sharcidarro ku tilmaamay xarigga Cabdimanaan Yuusuf Maxamed Guddoomiyaha Guud ee Astaan Cable, uu muddo 15 cisho ugu xiran yahay magaalada Hargaysa.

Kulankaan oo ay ka soo qabgaleen odayaal gaaraya 30 oday dhaqameed oo isugu jira Ugaasyo, Salaaddiin, Wabarro, Imaamyo, Nabaddoono, Garaadyo iyo cuqaal kale ayaa sheegay in Cabdimanaan uu u xiray shaqsiyaad shaar maamul huwanaya oo damac gaar ahi uga jiro inay hantidiisa dhacaan, waxay carabka ku dhifteen Ku Xigeenka nabadsugidda Soomaaliland Faysal Guhaad uu si shaqsi u xirtay isagoo ay wehliyaan rag ka tirsan beesha Madaxweynaha Soomaaliland.

“C/manaan waa nin aqoonyahan Soomaaliyeed oo hal abuur leh, waxaan aaminsanahay inuusan wax dambi ah ka gelin dadka iyo maamulka Soomaaliland toona, balse la doonayo in xoolihiisa lagu xalaalaysto iyadoo loogu marmarsiyoonayo inay qaraabo yihiin mas’uul ka tirsan dowladda Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraal laga soo saaray shirkooda jaraa’id.

Waxayna intaa ku dareen inaysan marnaba aqbali doonin damacaas qaldan oo shaqsiyaad gaar ahi ku doonayaan burburinta shirkadda Astaan Cable oo ay hanti ku wada leeyihiin ganacsato ka soo jeedda dhammaan beelaha Soomaaliyeed oo ay ku jiraan ganacsato ka soo jeedda Somaliland.

Odayaasha Dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed ayaa xusay in falkaas lagu xiray Cabdimanaan uu horseedi karo inuu kala shaki ku kala abuuro ganacsatad Soomaaliyeed ee sida xorta ah uga kala ganacsada magaalooyinka Soomaaliyeed, iyagoon u baqayn naftooda iyo maalkooda.

“Marqaati uma baahna in ganacatada Somaliland ee ka ganacsata Koonfurta Soomaaliya inay Sharaf iyo magacba ku haystaan Muqdisho iyo magaalooyinka kaleba, mana qabaan welwel ku saabsan naftooda iyo hantodooda” ayuu yiri Ugaas Cali Xaashi Ugaas Axmed Nuur oo ka mid ahaa odayaashii goobta ka hadlay, wuxuuna ka dalbaday maamulka Somaliland gaar ahaan Madaxweyne Muuse Biixi in Cabdimanaan xorriyaddiisa dib loogu soo celiyo.

Odayaasha Dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed waxay farriin gaar ah u direen Waxgarada iyo Odayaasha Dhaqanka beelaha Soomaaliland oo ay ka codsadeen inay arrinta Cabdimanaan soo farogeliyaan, oo aysan yaraysan si ganacsiga Soomaaliyeed aan xuduud loo kala yeelin.

Cabdimanaan Yuusuf Guddoomiha Guud ee Shirkadda Astaan Cable waxaa goor habeen ah oo ku beegnayd 17kii bishan July xoog ku kaxaystay ciidan hubaysay oo la sheegay inay ka tirsanaayeen nabadsidda Soomaaliland, ilaa iyo haddana lama oga dambiga lagu haysto.

Odayaashii Dhaqanka ee maanta ka qaybgalay shirkii jaraa’id waxaa ka mid ahaa:

1- Ugaas Cali Xaashi Ugaas Axmed Nuur
2- Ugaas Maxamed Bashiir Ugaas Xasan
3- Ugaas Bashiir Ereg
4- Ugaas Cali Ugaas Xasan
5- Ugaas Shire Ugaas Warsame
6- Nabaddoon Max’ed Xuseen Axmed
7- Nabaddoon Beddel Jamac Xirsi
8- Nabaddoon Cabditoox Yare
9- Nabaddoon Hilowle Macllin Yacquub
10- Nabaddoon Max’ed C/llahi Goosaar
11- Islow Cismaan Sheekh Xasan
12- Garaad Xasan Garaad Max’ud Garaad Cagay
13- Suldaan Mahdi C/risaaq
14- Suldaan C/llaahi Waamo