Deg Deg: Dab Ka Kacay Guri Ku Yaalla Magaalada Muqdisho

0

War deg deg ah oo aan ka helayno Isgooyska afarta Jardiin ayaa sheegaya in dab xooggani uu ka kacay, waxana wali socota xakameynta dabkaas.

Dabka ayaa la sheegay in uu ka kacay guri ku yaalla agagaarka Darajiinka gaar ahaan dhanka xiga Sanca, waxaana dabikaasi sababay Koronto sida ay inoo sheegeen goobjoogyaaal ku sugan halka uu dabku ka kacay.

Wali lama sheegin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dabkaasi, balse wali waxaa socda dadaallo lagu doonayo in lagu damiyo.

Magaalad muqdisho ayaa waxaa sanadahaan kusoo badanayay dabka ka kacaya guryaha iyo goobaha ganacsiga, waxana inta badan sababa Korontada ku jirta goobaha dabku ka kaco