Taliska Booliska Baydhabo Oo Baaq U Diray Dadka Shacabka Ah

0

Taliska Booliska Magalaada Baydhaba  ee Xarunta Gobolka Baay ayaa shacabka ku nool magaaladaas ugu baaqay in ay ka qayb qaatan nabadda.

Taliyaha Booliska  Baydhaba Gaashaanle dhexe Mukhtaar Dabadoow oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in shacabka ku dhaqan magaalada Baydhaba iyo degaanada  ku xeeran ay ka qayb qaataan nabad galyada guud ee magaaladaas.

Waxaa uu bulshada ugu baaqay in ay in la shaqeeyaan laamaha ammaanka Koonfur Galbeed Soomaliya inta lagu guda jiro maamlmaha ciidul Adaxa oo ku beegan maalinimada barri ah.

Taliyaha ayaa sheegay in ay talalabo sharci ah ka qaadi doonaan qof waliba oo ku lugyeesha falalka ammaanka Liddiga ku ah ee inta badan ka dhaca degaanada koonfur Galbeed.