Mareykanka oo ka hadlay duqeyn ka dhacday Jilib

0

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska mareykanka ee qaarada Africa ee loo yaqaano Africom ayaa waxaa looga hadlay duqeyn ka dhacday gobolka Jubbada dhexe.

Africom ayaa sheegtay in diyaaradaha mareykanka ay duqeyn Ku dileen sarkaal ka tirsan Al-shabaab, kadib duqeyn ka dhacday degmada Jilib ee gobolka jubbada dhexe, iyagoona sheegay in ay dhaawac u geysteen saraal kale.

Weerarkaas ayuu Mareykanka waxa uu sheegay inay ku dileen sargaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab halka mid kalena ay ku dhaawaceen waxeyna sidoo kale qoraalkooda ay ku sheegeen in  weerarkaasi uu ahaa mid ay ku taageerayaan Ciidamada Dowladda soomaaliya

Sidoo kale taliska Africom ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan duqeymaha ay la beegaanayaan xubnaha ka tirsan Al-shabaab