Madaxweyne Farmaajo oo Siyaasi caan ah u magacaabay La Taliyihiisa Arrimaha doorashada

0

Madaxweyne Maxamed Cabddullaahi Maxamed  Farmaajo ayaa magacaabay la taliyihiisa dhinaca doorashiooyinka ee la filayo inay dalka Soomaaliya ka dhacaan dhammaanadka sanadkaan 2020/2021.

Waxaa xilkaan uu madaxweynuhu u magaacabay  Cabdi Cali Raagge oo horay mar usoo noqday  la taliyaha madaxweynaha maamulka Jubland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Cabdi Raage ayaa dadka aqoonta u leh waxaa ay sheegen in  uu galangal uu la leeyahay siyaasiyiinta, waxaana  sidoo kale mar uu ka mid ahaa  Guddiyadii Farsamo ee ka soo shaqeeyay doorashadii dad-baneyd ee sanadkii 2016-kii.

Madaxweyne farmaajo ayaa waxaa horyaalla arrimo dhawr ah oo si gaar ah loo eegayo, waxaana ka mid ah in uu soo magacaabo Ra’iisul wasaare cusub, maaddaama xilka laga qaaday Xasan Cali Kheyre oo ahaa Ra’iisul Wasaaraha dalka, sidoo kale waxaa hor yaalla nooca doorasho ee dalka dhawaan ka dhici doonta.