Koonfur Galbeed Oo Soo Saartay Digniin Ku Socota Kalluumeysatada

0

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa soo saartay digniin ku socota Kalluumeysatada ku nool deegaannada Maamulkaas, iyada oo looga digayo waxyeelo kasoo gaarta dabeylaha laga cabsi qabo inay dhacaan.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Kalluumeysiga ayaa waxaa lagu sheegay in, iyada oo gudaneysa Waajibaadkeeda ay uga digeyso Kalluumeysaatada dabeylaha uu wato roobka xagaagada ee ka da’aya dalka, kaas oo saameyn ku yeeshay Badda gar ahaan deegaannada Koonfur Galbeed.

Wasaaradda waxaa ay sheegtay in Roobka dabeylaah wata ee ka da’aya dalka ay sababtay in Badda deegaannada koonfur Galbeed ay ku geeriyoodaan 6 Ruux sidoo kalena la la’yahay 13 doomo Kalluumeysi.

”Wasaaradda Kalluumeysiga oo ka taxadareysa badqabka Kalluumeysatada naaquudayaasha iyo hantidoodabada ay muhiim u tahay waxaay ku wargelineysaa inay ka joogsadaan gelista Badda inta Cimilada Badda ay wax iska bedelayaan oo Culimada saadaasha ay noogu sheegeen in ilaa Bisha Octoober ay dabeylaha socon doonaan ayaa lagu yiri” Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Kalluumeysiga Koonfur Galbeed.

Ugu dambeyn Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa uga digtay Doomaha yar yar ee Ganacsiga ee deegaannada Koonfur Galbeed iyo Dhalinyarada aada Xeebaha inay Badda galaan.

Amaradan kasoo baxay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhawan doon ku rogmatay Xeebta Magaalada Marka ay dad ku dhinteen kuwo kalena la la’yaha

DHAGEYSO:-Dowladda Soomaaliya Oo Loogu Baaqay In Ay Soo Faragaliso Doorashada K/ Galbeed