Golaha Wasiirrada Oo Ansixiyay Magacaabista Maareeyaha Iyo Maareeye Ku-xigeenka Hey’adda Tayo Dhowrka Soomaaliyeed

0

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta guddoomiyay shirka golaha wasiirrada oo lagu ansixiyay agaasimaha iyo agaasime ku-xigeenka Hey’adda tayo Dhowrka Soomaaliyeed.

Maareeyaha Hey’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed ayaa loo magacaabay Aadan Xasan Barre waxaana Ceydaruus Macallim Xasan loo magacaabay maareeye ku-xigeenka Hey’adda .

Hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed ayaa ka shaqeyneysa ilaalinta bad-qabka bii’adda iyo noolaha, ilaalinta tayada cuntada, waxyaabaha dalka dibaddiisa laga keeno, kuwo la dhoofiyo iyo weliba waxyaabaha dalka lagu isticmaalo, wuxuuna ganacsatada u fududeyneysaa in ganacsigooda ay u dhoofiyaan aduunyada inteeda kale.

Golaha wasiirrada ayaa sidoo kale ansixiyay Axdiga aasaasidda golaha Dowladaha Carabta iyo Afrika ee hareeya Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed oo golaha ay usoo gudbisay wasaaradda arrimaha dibadda dalka.

Golaha Dowladaha Carabta iyo Afrika ayaa waxaa ku mideysan Ereteria, Soomaaliya, Jabuuti, Suudaan, Masar, Sucuudiga, Jordan iyo Yeman.

Shirka waxaa kale oo lagu meel mariyay heshiiska is-afgaradka iskaashiga dhaqaalaha ee u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya iyo heshiiska is-afgaradka maal gashi ee u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.