Dowlada Soomaaliya oo ka hadlay duqeyn ka dhacday degmada Jilib

0

Dowlada Soomaaliya iyo taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika AFRICOM ayaa si kala gaar gaar ah uga hadlay duqeyn maanta ka dhacday gobolka Jubbada Dhexe.

Duqeyntan ayay ku sheegeen in lagu bartilmaameedsaday xarun uu ururka Al-Shabaab ku lahaa meel ku dhow degmada Jilib laguna diley mid kamid ah dagaalamayaasha Alshabaab halka mid kalana lagu dhaawacay.

“Duqeyntan ayaa lagu dilay hal (1) ka tiran xagjirka Alshabaab iyada oo lagu dhaawacay mid kale. Sidoo kale waxaa duqeyntan lagu burburiyey xero ciidan oo ay Alshabaab ku lahaayeen goobtaa.”ayaa lagu yiri war ka soo baxay dowlada federalka Soomaaliya.

Hase yeeshee dowlada Soomaaliya iyo Taliska AFRICOM ayaa qirey inay soo gaartay warar sheegaya in dad rayid ah ay duqeyntaa wax ku noqdeen, balse ay baaritaan ku sameyn doonaan.

“Dowladda Soomaaliya iyo ciidanka AFRICOM ee Mareykanka ayaa taxadar dheeri ah ku bixinaya ilaalinta waxyeelo soo gaarta shacabka aan waxba galabsan, islamarkaana diyaar u ah in ay si buuxda u baaraan haddii waxyeelo shacab la soo wariyo.”ayaa lagu yiri warka ka soo baxay dowlada Soomaaliya.

Ururka Al-Shabaab ayaa maanta sheegay in duqeynta laga geystey Jilib ay ku dhinteen saddex carruur ah,waxayna warbaahinta taageerta Al-Shabaab ay soo bandhigeen sawirada meydadka saddex carruur ah iyo burburka guri.

Shalay ayay ahayd markii taliska AFRICOM uu soo saaray warbixin uu ku sheegay in bishii April ee sanadkan duqeyn ay ka geysteen degmada Jilib uu ku dhintey qof rayid ah halka saddex kalana ay ku dhaawacmeen.