DFS oo ka hadashay duqeyn ka dhacday Jubbada Dhexe

0

War qoraal ah oo ka oo ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa taliska ciidanka AFRICOM  ayaa duqeyn cirka ah ka gaystay meel u dhaw degmada jilib ee gobolka Jubbada dhexe, ee Soomaaliya.

Duqeyntan ayaa lagu dilay hal (1) ka tiran Alshabaab iyada oo lagu dhaawacay mid kale. Sidoo kale waxaa duqeyntan lagu burburiyey xero ciidan oo ay Alshabaab ku lahaayeen goobtaa.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Mareykanka waa ay ka go’antahay la dagaalanka Daacishta Soomaaliya iyo argagaxisada Alshabaab, si  loo baajiyo dhimashada dadka rayidka ah ee leh rag, haween, carruur ee ku dhaqan dalka Soomaaliya iyo dowladaha deriska la ah Soomaaliya.”

Dowladda Soomaaliya iyo ciidanka AFRICOM ee Mareykanka ayaa taxadar dheeri ah ku bixinaya ilaalinta waxyeelo soo gaarta shacabka aan waxba galabsan, islamarkaana diyaar u ah in ay si buuxda u baaraan haddii waxyeelo shacab la soo wariyo.