Cumar Filish” waan ka hortageenaa falalka amni daro ee ka jira Kaaraan”

0

Cumar Maxamuud Maxamed Filish Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) oo ka hadlayay kulan looga hadlayay Amniga oo lagu qabtay degmada Kaaraan ayaa sheegay in degmada Kaaraan ay ku soo bateen falal amni daro, islamarkana waxaa uu shaaca ka qaaday in arimahaasi ay ka hortagi doonaan.

Guddoomiye Filish ayaa  waxaa uu sheegay in Kaaraan ay tahay degmo baaxad weyn, balse Shaqsiyaad dano gaar ah leh ay lidi ku yihiin Amniga degmadaasi.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa shacabka degmada ugu baaqay in loo midoobe sidii looga hortagi lahaa falalka amni daro ee ka dhaca degmada Kaaraan.

Degmada Kaaraan ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa ku soo badanayay falal amni daro ah, taasi oo ay walaac xooga ka muujiyeen shacabka ku nool degmadaasi.