Ururka Taalibaan oo ku dhawaaqay xabad joojin maalmaha Ciidda

0

Ururka Taalibaan ee dagaalka kula jira dawlada Afghanistan ayaa waxa ay ku dhawaaqay in ay bilaabi doonaan heshiis xabad joojin ah, munaasabadda Ciidda awgeed.

Xabad joojintan ayay sheegeen in ay tahay mudo Saddex maalmood oo soo aadan, taas oo ka bilaaban doonta maalinta Koowaad ee Ciidda.

Waxaa xusid mudan in xabad joojintan ay ka timaaday dhanka ururka Taalibaan, balse aysan la qabin dawkada Afghanistan.

Horay ayaa waxaa u jiray wadahadallo ay u balansanaayeen labada dhinac, kuwaas oo la doonayay in lagu wada hadal siiyo si loo soo afjaro dagaalka ka dhexeeya, waxaana gar wadeen ka ah dawladda Qadar iyo qaar kale.

Dhinaca kale waxaa jira ku dhawaad 5.000 oo maxaabiis u dhashay Taalibaan oo u xidhnaa dawlada Afghanistan, ayna dooneyso in ay sii deyso taas ka qayb qaadan kara in ay isku soo dhawaadaan labada dhinaca.