Taliska AFRICOM oo laga dalbaday in lagala xisaabtamo duqaymo uu ku laayay dad rayid ah

0

Mareykanka ayaa waxaa lagu eedeeyey in dad rayid ah uu ku laayay, duqaymaha uu ka fuliyo gobollada Soomaaliya qaar ka  mid ah.

Warbixinno dhowr ahaa oo ay ka qortay duqaymahaasi dadka rayidka ah lagu laayay, hay’adda  u dooda Xuquuqda Aadanaha ee magaceeda loo yaqaanno Amnesty International, ayuu Mareykanku qirtay in uu duqaymihii uu ka gaystay gobolka Jubbada Dhexe, gaar ahaan degmada Jilib ay ku waxyeeloobeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Hay’addan ayaa warbixin ay soo saartay kadib qirashada dawlada Mareykanka ee arrintan, ayaa waxa ay ka dalbatay in ay bixiso magdhow iyo sidoo kale in lagala xisaabtamo Mareykanka .

Taliska ciidamada Mareykanka ee ka hawlgala qaaradda Africa ee AFRICOM oo Soomaaliya ka fuliya hawlgallada dhanka duqaymaha cirka ee ka dhanka ah dagaalamayaasha Al-Shabaab, ayay ka dalbatay hay’adda Amnesty International in ay hubiyaan meelaha ay la beegsanayaan, si aysan ugu waxyeeloobin dadka rayidka ah, iyadoo qirtay in AFRICOM ay jireen horumar ay ka soo hayiyeen duqaymaha ay ka fuliyaan gobollada dalka.