Somaliland oo sheegtay inaysan Masar ka aqbalayn Heshiis wax yeelaya Itoobiya

0

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya Dina Mufti oo u waramay wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa magaalada Nayrobi ee dalka Kenya, ayaa sheegay inay Masar xaq u leedahay inay xidhiidho la samaysato dalalka gobalka, laakiin aan la aqbali karin in xidhiidhadaas loo abuuro in lagu waxyeeleeyo dal kale oo gobalka ah.

Wuxuu sidoo kale  afhayeenku dafiray in weftigii Itoobiya ee dhawaan socdaalka ku yimid Hargeysa ay daba socdeen dareen ay ka qaateen weftigii Masar ee iyaguna isla bishan Hargeysa yimid.

“Dal madaxbanaan ahaan, Masar waxay sharciyad sax ah u haysataa inay xidhiidho la samaysto dal kasta oo gobalka ah.” Ayuu yidhi Afhayeenku,

waxaanu intaas raaciyay oo uu ka digay in xidhiidhada Masar ay abuurayso aan loo samaysan in lagu dhaawaco dal kale.

“Haddii joogitaanka gobalka ee Masar uu khatar ku yahay dal saddexaad, taasi maaha mid haboon.” Ayuu yidhi Dini.

Arintan ayaa waxay kusoo aadaysaa iyadoo dhowaan Wafdi ka socda Itoobiya oo siwayn uga Cadhooday Xidhiidh Masar iyo Somaliland dhexmaray ay soo gaadheen magaalada Hargeisa.