SAWIRRO:-Golaha Shacabka oo Akhrinta Kowaad marsiiyay Hindise Sharicyeedka burcad Badeeda

0

Xildhibaanadda golaha shacabka oo kulan ay ku yeeshay xarunta ku meelgaarka ah ee Villa Hargeysa  ayaa akhrinta koowaad waxay marsiiyeen Hindise Sharicyeedka dib-u-eegista Sharciga la dagaalanka Burcad badeeda iyo ka hortaga af duubka sharci LR.36 ee soo baxay sodonkii bishii April sanadkii 1975-kii,waxaana muhiimada sharcigan uu dalka u leeyahay golaha u faah faahiyay sii hayaha wasiirka Cadaaladda Mudane Xasan Xuseen Xaaji.

“Sharicgaan waxa uu muuhiim u yahay dalka waana loo baahanyahay in dib-u-eegis lagu sameeyo si aan xal ugu helno baddeyna maadaama ay jiraan baraakiib si sharci daro usoo galo dalka iyo sidii aan xal ugu heli laheyn arrimaha burcad baddeeda.

Dhinaca kale mudanayaasha golaha shacabka ayaa akhrinta 2-aad marsiiyeen ku noqoshada miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2020-ka,waxaana xildhibaanadda golaha warbixinta guddiga u akhriyay xildhibaan Dr Cilmi Maxamuud Nuur oo ka mid ah guddiga maaliyadda, miisaaniyadda, qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adda Dowladda ee golaha shacabka.

Qaar ka mid ah xildhibaanadda golaha shacabka ayaa fikradahooda ka dhiibtay warbixinta guddiga ee ku aadan ku noqoshada miisaaniyadda sanadka 2020-ka,waxaana kulanka joogay wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo ku xigeenkiisa iyo sidoo kale waaxda Miisaaniyadda ee wasaaradda maaliyadda.

Wasiirka Maaliyadda xukuumadda federalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa ka jawaabayay su’aalaha xilidhibaanada waxaana uu ka codsaday inay meel mariyaan.

“Maanta waxa aan baarlamaanka markale ka hor akhrinay ku noqoshada Miisaaniyadda 2020, inagoo sidoo kale ka jawaabnay su’aalaha Baarlamaanka ee ku aadan arrimaha Miisaaniyadda.

“Waxa aan ka rajeynayaa Xildhibaanada Soomaaliyeed in ay meel mariyaan dib-u-eegidda Miisaaniyadda oo muhiim u ah sii wadidda howlaha Dowladda.ayuu ku daray hadalkiisa wasiirka maaliyadda xukumadda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducale Bayle.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa soo xeray maanta kulanka ay yeesheen xildhinaabada waxaana soo xaadiray kalfadhiga maanta 144 mudane.