Madaxweynaha K/Galbeed Oo La Kulmay Wafdi Ka Socday Dowladda

0

Madaxweynayha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa xafiiskiisa kulan la qaatay Siihayaha xilka Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Soomaaliya oo halkaas gaaray.

Madaxweyne Lafta-gareen iyo Wasiir Sadiiq Xirsi Warfaaf ayaa ka wada hadlay Arrimo kala  duwan oo ku aadan xaaladda siyaasadeed, Isbedelkii ku yimid Xukuumaddii Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Arrimo kale oo ku aadan Koonfur Galbeed.

Siihayaha xilka Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Soomaaliya ayaa Madaxweyne Lafta-gareen uga mahadceliyay soo dhaweynta uu xafiiskiisa ugu sameeyay.

Wasiir Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa shalay gaaray Magaalada Baydhabo, wuxuuna halkaas u tegay qiimeynta Barnaamijka Baxnaano ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu daahfuray 18 bishii April ee sannadkan 2020ka. Barnaamijkaas oo Dowladda Soomaaliya ku taageerayso Muwaadiniinta nugul, wuxuu si isku mid ah ugu socdaa dhammaan Dowlad-gobolleedyada Dalka.