Gudashada waajibaadka Xajka oo maanta Sacuudiga ka bilaabanaya xilli ay aad u yartahay xujeydu

0

Xajka oo kamid ah Tiirarka Muhiimka ah ee Diinta islaamka sanad kastana ay ka qayb galaan malaayiin muslimiin ah oo dunida dacaladeed isaga imaanayay ayaa sanadkan ka duwan sidii hore, iyadoo tiro aad u kooban oo xujey ah loo ogolaaday in ay soo xajiyaan.

Guud ahaanba dadka xujayda ah ayaa ka kooban 10 kun oo qofood, iyadoo dowladda Sacuudiga ay sharuudo adag dul dhigtay muslimiinta xajinaya oo dhamaantood ka yimid gudaha dalkaas.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka wadankaasi Mohammed Saleh Binten ayaa shaaciyay in dhamaan xujayda karaantiil ay kasoo bexeen, haatana lasoo hubiyay xaaladooda caafimaad marka ay cibaadadooda dhamaystaana  dib karantiil ay u gali doonaan.

Sidoo kale sharuudaha sanadkaan la dul dhigay xujayda ayaa waxaa kamid ah in ugu yaraan 50 qof dad ka badan, aysan hal goob isugu imaan karin iyo in aan loo dhawaan karin lana taaban karin dhamaan goobaha barakaysan ee horay muslimiinta xajineysa ay gacantooda u gaarsiinayeen.

Sanadihii hore  tiro u dhaxeysa laba illaa seddax milyan ayaa gudanayay waajibaadka xajka.

30-boqolkiiba dadka sanadkan  Maka iyo Madiina tagaya waa muwaadiniin reer Sacuudi ah, kuwaas oo ka kala socda waaxyaha kala duwan ee dowladda.