MOGADISHU, Somalia – Beelaha Banaadiriga Soomaaliyeed ayaa ku eedeeyay Guddmoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Baashi Yuusuf Ahmed iyo Xafiiska Xeer Ilaalinta in ay si sharci darro ah xabsiga uga sii daayeen eedeysane Maxataan Maxamuud Aadan.
Shariif Mansoor oo ka mid ah Nabadoonada Beelaha Banaadiriga oo la hadlay warbaahinta ayaa ku eedeeyay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Xafiiska Xeer ilaalinta in Mataan Maxamuud ay garab ku siiyeen in si sharci darro ah uu ku heysto guri uu sheegay in iyagu leeyihiin.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu carabka ku tilmaamay in Hay’addaha Garsoorka ay ku tunteen cadallada Dalka, isagoona carabka ku adkeeyay in guriga loo ogolaaday in uu xoog ku heysto Mataan Maxamuud.
Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Gobolka, Muuse Macalin Maxamed ayaa xabsiga dhigay Mataan Maxamuud Aadan, kaasi oo xoog ku heysto guri uusan la heyn oo ku yaalla Magaalada Muqdisho, sida uu sheegay Nabadoon Shariif.
Nabadoonka ayaa xusay in Mataan uusan heysan dikumiintiyo sharciyeysan oo qeexaya la haanshaha guriga uu sheeganayo.
Waxaa uu tilmaamay in Hay’adda Cadaalladda ay ka indha laabteen dukumiintiyo sharciyeysan oo ay hordhigeen Hay’adda Garsoorka Dalka.
Nabadoonka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo in uu soo farageliyo boobka lagu hayo gurigooda.
Dhinaca kale, Nabadoon Axmed Sujaac oo ah mid ah waxgaradka Beelaha Banaadiriga ayaa walaac xoogan ka muujiyay hanaanka Hay’addaha Garsoorka, isagoona ku eedeeyay in garab siiyeen shaqsi boobay islamarkaana xoog ku heysta hantidooda.
Nabadoon Axmed ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in Warbaahinta Qaranka ay fursad siiso shaqsi boobaya hanti uusan la heyn.
Cabashadan ayaa imaaneysa kadib markii Mataan Maxamuud oo xirnaa uu ka soo muuqday Warbaahinta Qaranka, taasi oo shaki weyn gelisay Beelaha Banaadiriga kalsoonidii ay ku qabeen Hay’adda Garsoorka Dalka.