Taliska Booliska Oo Digniin Adeg Kasoo Saaray Arrin Ka Dhan Ah Imtixaanka Dowladda

0

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa soo saaray digniin ka dhan ah Propagaanda-da Imtixaanaadka shahaadiga ee sanad Dugsiyeedka 2019/2020, kaas dalka ka bilaabandoona 18-da Bishaan Luuliyo.

Wasaarada Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sarre ayaa sheegtay in sanadkaan Imtixaanaadka Sanad dugsiyeedka 2019/2020 u fadhiisan doonaan in ka badan 70,000 oo Arday Soomaaliyeed ah si xariir ah sanadkii 6-aad, iyadoo sanadkaan lagu soo kordhiyay fasalka 8-aad, kaasi oo Ardayda ay galeen.

Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay inay diyaariyeen 2000 oo xubnood oo isugu jira Saraakiil iyo Askar sugta Amniga goobaha imtixaanada, Ilaalinta geedi socodka imtixaanada iyo daabulaada imtixaanka.

“Hadaba, iyadoo aad looga taxadaray Badqabka Imtixaanaadka sanadkaan ayaa waxaa jiri kara Propaganda iyo Qalqal lagu abuuro Waalidiinta iyo Ardayda Soomaaliyeed. Sidaas daraadeed, waxaan Digniin adag gaarsiinaynaa qof walba oo isku daya in uu abuuro qalqal Imtixaan, iyadoo Hadaba aan qaarkood gacanta ku hayno” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliska.