Dowladda Masar Oo Somaliland Kala Hadashay Arrimo Xasaasi Ah

0

Waftigii toddobaadkan yimid Somaliland ee ka socday dowladda Masar ayaa la kulmay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Mas’uuliyiin ka tirsan xukuumaddiisa.

Ilo-wareedyo diblomaasiyaddeed ayaa xaqiijiyay in waftigaas uu isugu jiray diblomaasiyiin iyo Saraakiil Ciidan oo ka tirsan Millateriga Masar, waxay xukuumadda Somaliland u soo bandhigeen in ay saldhig millatari ka sameystaan xeebaha Woqooyi ee Somaliland, iyagoo booqday qaar ka mid ah dhulka xeebta.

Sidoo kale inta uu kulanka socday aya waxaa lasoo bandhigay qorshe in Masar ay Somaliland ka caawiso dhanka horumarinta kalluumeysiga iyo waxbarashada.

Labada dhinac Somaliland iyo Masar waxaa kale oo ay is waydaarsan doonnaan laba xafiis oo heerkoodu sarreeyo oo ay ka kala furan doonnaan Caasimadaha Hargeysa iyo Qaahira.

Waftiga Masaarida ayaa isla shalayba dib ugu laabtay dalkoodii, iyagoo watay diyaarad khaas ah, taasi oo markii horey keentay Hargeysa, kadibna la qaaday.

Dhinaca kale, dawladda Itoobiya ayaa la sheegay in ay walaac xooggan ka muujisay arrintan maadaama khilaaf xooggan oo ku saabsan weliga Nileka uu kala dhaxeeyo dawladda Masar.