Madaxweyne Qoor qoor oo sheegay in madaxda qaranka ay ku wajahan yihiin Dhuusamareeb

0

Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor Madaxweynaha maamulka Galmudug oo warbaahinta la hadlay ayaa uu faahfaahin ka bixiyay shirka wajigiisa labaad ee madaxda dowladda federaalka soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ay ku yeelan doonaan magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Madaxweyne Qoor qoor ayaa waxaa uu sheegay in wajiga labaad Shirka in ay rajeynayaan ka qaybgalka Madaxda DFS oo maalmaha soo socda ku biireysa.

Sidoo kale madaxweyne Qoor qoor ayaa sheegay in wafdi ka socda madaxda qaranka ay tagi doonaan magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud, isagoona shacabka ugu baaqay in ay soo dhaweeyaan wafdi ka socda dowladda ee ku wajhaan magaalada Dhuusamareeb.

Wararka ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoonka labada Aqal BFS lagu wado in ay gaaran magaalada Magaalada Dhuusamareeb oo lagu casuumay ka qaybgalka shirka wajigiisa labaad ee u dhexeeya madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ee ka jira dlaka.