Madasha Xisbiyada Qaran oo soo dhaweeyay qodobadii ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb

0

War qoraal ah oo ka soo baxay madasha Xisbiyada Qaran ee dalka ayaa soo saaray  lagu  soo dhaweeyay  go’aanka ka soo baxay shirka wejigiisa koowaad ee lagu soo gaba gabeeyay magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.


Qoraalka madasha ayaa waxaa lagu sheegay in shirkaasi uu fursad weyn u yahay madaxda qaranka, islamarkaana looga baahan yahay in ay ka shaqeeyaan sidii la isugu dhawaan lahaa dhinacyada uu khilaafka u dhexeeyo.