Gobolka California oo markale dib loo saaray xayiraadihii laga qaaday

0

Gobolka California ee dalka Mareykanka ayaa markale lasaaray xayiraadihii horay looga qaaday kadib markii ay kordheen kiisaska caabuqa Karona.

Gudoomiyaha gobolka ayaa isniintii bixiyay amarkan iyadoona sidoo kale albaabada loo laabayo inta badan xarumihii ganacsi ee horay loo furay.

Gobolka California ayaa haatan laga diiwaan galiyay kiisaska ka badan 330,000 halka tirada dhimashada ee Covid-19 ay kabadan tahay 7,000 oo ruux.

Guud ahaan kiisaska caalamka ee caabuqan ayaa ko u dhaafaya 13 milyan oo kiis.