Baarlamaanka Puntland oo iibinaya xaruntii ay ku shaqeynayeen

0

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa isku raacay in la iibiyo xaruntii hore ay ku shaqeynayeen taasoo ku taal gudaha magaalada Garowe.

Guddoonka Baarlamanka Puntland ayaa Mudanayaasha Golaha Wakiilada u gudbiyay qoraal codsi ah oo ku aaddan in la iibiyo Xarunta uu haatan Baarlamanka ku shaqeeyo oo ka soo horjeedda Xaruntii hore ee Madaxtooyada Garoowe.

Xaruntan ayaa la sheegay in amni ahaan aysan ku habboonayn in hadda ku shaqeeyo Golaha Baarlamanka maadaama ay ku dhex taallo gurya ay deggan yihiin dad shacab ah sidaas darteedna ay tahay in goluhu helo xarun ka baxsan gudaha magaalada.

Xildhibaannada Golaha Wakiilada oo dood qarsoodiya ka yeeshay Codsiga Guddoonka ayaa markii dambe ansixiyay Qoraalkaas waxaana ay go’aamiyeen in ay iibsadaan Xarunta Golaha islamarkaana la raadiyo xarun kale.