SAWIRRO:-Kumaandooska Soomaaliya oo soo bandhigay saraakiil iyo dagaalameyaal Shabaab ah oo nolosha ay ku qabteen

0

Howlgallo labadii maalmood ee u dambeysay ay ciidamada xoogga dalka ee Danab iyo kuwa Gor-Gor ay ka sameynayeen deegaanada MUbaarak iyo Daaru-salaam ayaa waxa ay ku soo qabteen laba sarkaal oo ka tirsan Al-Shabaab oo shan dagaalame.

Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin oo ah Taliyaha guutada 16-aad ciidanka Danab ayaa  Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay in labadaas nin lagu kala magacaabo Macalin Bilaal Jeeylaani Nuure iyo Cabdulaahi Maxamed Cabdi, isla markaana ay Al-Shabaab u kala qaabilsanaayeen Maxkamadda Sh/Hoose iyo sirdoonka.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay lasoo qabteen ilaaladoodii oo dhameyd shan dagaalame, waxayna soo bandhigeen sawirradooda.