Dal ka mid ah Afrika oo Soomaaliya u soo qaatay tusaale qaldan

0

Dal ka mid ah dalalka dhaca Waqooyiga Qaaradda Afrika aya tiro labo jeer ah waxa y u gafeen dalkeena Soomaaliya.

Dalka Algeria ayaa markii Labaad waxa uu hadal gef iyo meel ka dhac weyn ku ah Soomaaliya ka jeediayay warbaahinta caalamka gaar ahaan tan gudaha dalkaasi Algeria.

Hadalkan oo ah kii Labaad oo loogu gefayo dalkeena Soomaaliya ayaa waxaa jeediyay wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi Algeria ee lagu  magacaabo Sabri Boukadoum mar uu ka hadlayay xaaladda cakiran ee ka taagan dalka Libya.

Boukadoum ayaa baaq u jeedinayay xilliga uu hadalkani gefka ah sheegayay isagoo kala hadlayay in ay dib u dhigaan dhinacyada isku haya talada dalka Libya qalalaasaha dagaal ee dabada dheeraaday.

Waxa uu sidoo kale u sheegay wasiir Boukadoum in haddii xaaladda dalkaasi Libya aan sidan loo dhaamin ay ka sii dari karto tan ka jirta Soomaaliya ,sida uu hadalka u dhigay.

Kal hore ayay ahayd markii madaxweynaha dalkaasi Algeria Abdimajid Tebun uu tilmaamay in haddii aan heshiis dhab ah laga gaarin xaaladda Syria ay ka sii dari doonto Soomaaliya.

Marar kala duwan ayaa sidaan oo kale waxaa dalkeena Soomaaliya tusaaleyaal gef iyo meel ka dhac ah ugu soo jeediyay madaxweyneyaal iyo masuuliyiin kala duwan oo katirsan dalalka Caalamka balse dawlada Soomaaliya ayaan tusaaleyaashaas iyo tilmaamahaasi meel ka dhaca ku ah Soomaaliya intooda badan ka bixin wax jawaab ah.