Wasiir Beyle oo Bankiga horumarinta Islaamka kala hadlay saamaynta dhaqaale ee cudurka Covid-19

0

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane; Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa aaladda fogaan aragga kula hadlay Madaxweynaha Bangiga horumarinta Islaamka Dr; Bandar M.H. Hajjar.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay saamaynta uu cudurka safmarka ah ee COVID-19 ku yeeshay dhaqaalaha iyo sidii Soomaaliya looga caawin lahaa dhanka dhaqaalaha.

“Waxa aan Maanta si fogaan arag ah (Video Conference) ula shiray Madaxweynaha Bangiga horumarinta Islaamka Dr; Bandar M.H. Hajjar oo aan ka wada hadalnay saameynta dhaqaale ee COVID-19 iyo qaabka Bangigu uu nooga caawin karo hoos u dhaca dakhliga dalka”. Ayuu yiri Wasiir Beyle.

Kulanka oo ahaa mid xog wareysi iyo kala warqaadasho ayaa ku soo idlaaday guul iyo is-afgarad.