Guddiga Doorashooyinka Qaranka Oo Ka Qeyb Galay Shir Caalami Ah

0

Gudoomiyaha Guddiga Madaxabannan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismacil ayaa kaga qaybgashay aalada ismaqal aragga ee zoomka shirweyne caalami ah oo looga hadlayay saameynta cudurka safmarka ah ee COVID-19 ku yeeshay tageerada caalamiga ee la siiyo Doorashooyinka.

Gudoomiye Xaliimo oo hadal ka jeedisay shirkan ayaa ka warbiixisay saameynta cudurka COVID2019 ku yeeshay hanaanka diyaargarowga Doorashooyinka Soomaaliya 2020/21 iyo sidoo kale taagarada farsamo iyo dhaqaale ee GMDQ ka helo hay’adaha caalamiga.

Shirkan oo ay soo qaban qaabiyeen xafiiska heer gobol ee Qaramada Midoobay u qaabildan Barnaamijyada Horumarinta UNDP ayaa waxaa lagu soo Bandhigay doodo khibrad wadaag ah oo kala duwan.

Sidoo kale inta uu socday Shirka ayaa waxaa lagu soo bandhigay doodo khibrad wadaag ah oo la xiriira sida Gudiyada Doorashooyinka iyo hay’adaha tageera ay iskaga kaashan karaan in la abuuro nidaam sahlaya in doorashooyinka qabsoomaan iyadoo la ilaalinayo badqabka caafimaad ee dadweynaha ka qaybqaadanaya Doorashooyinka.