Guddiga Amniga Gobolka Mudug oo Ka Shiraya Dagaalka Woqooyiga Gaalkacyo

0

Guddiga Amniga Gobolka Mudug, oo ay weheliyaan Waxgaradka iyo Odayaasha Dhaqanka Gobolka, ayaa haatan shir ka leh dagaal xalay iyo saakay ka dhacay Magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Dagaalkaan ayaa u dhaxeeyay Ciidamadda amaanka maamulka Puntland iyo rag ka ganacsanayay Qamriga.

Guddiga haatan ku jira shir albaabadu u laaban yihiin, waxay Odayaasha iyo Waxgaradka Gobolka kala hadlayaan, sidii loo qaboojin lahaa xiisadda ka aloosan Magaalada, taasi oo ka dhalatay iska hor-imaad xalay dhexmaray Ciidamadda Amniga Puntland iyo Kooxo ka ganacsada Khamriga.

Dhanka kale Inta la xaqiijiyay, hal qof oo dumar ah ayaa ku geeriyooday lix kalena waa ku dhaawacmeen, dagaal xooggan oo saaka dib uga qarxay suuqa dhanka waqooyi ee Gagaalada Gaalkacyo.