DHAGEYSO+SAWIRRO:-Madaxweyne Deni Oo Madaxtooyada Galkacyo kulan kula qaatay Dhalinyarada Gobalka mudug

0
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa kulan kula qaatay qasriga Madaxtooyada ee Gaalkacyo Dhalinyarada Gobolka Mudug.
Dhallinyarada ayaa Madaxweynaha uga warbixiyay xaaladda dhallinyarada ee Gobolka, caqabadaha, fursadaha iyo dhismaha garoonka kubadda cagta ee Gaalkacyo Cawaale Stadium.
Madaxweynaha ayaa ka jawaabay codsiga dhallinyarada ee ku saabsan dhismaha garoonka Cawaale stadium, wuxuuna balan qaaday dhameystirka dhismaha garoonka kubadda cagta ee Cawaale Stadium.
Dhallinyarada ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Deni sida Dowladda iyo hoggaaminta dalka uu door muhim ah uga siiyey, sidoo kale waxay dhallinyaradu soo dhoweeyeen hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda Puntland oo iyaga u ah fursad wanaagsan.