Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Lagu Soo Dhaweeyay Muqdisho

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo  maalmihii lasoo dhaafau safar shaqo ugu maqnaa dalka Qatar ayaa galabta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.

Wasiirro, Xildhibaanno ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka dalka iyo mas’uuliyiin kale ayaa Ra’iisul Wasaare Kheyre kusoo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda intii uu ku sugnaa Magaalada Dooxa ee Qatar ayaa waxaa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare ku-xigeen, ahna wasiirka arrimadda dibadda Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani.

Sidoo kale waxaa uu Xasan Cali Kheyre booqday xarunta safaaradda Soomaaliya ee dalka Qatar, waxaana uu kula kulmay Madaxda Safaaradda oo uga warbixiyay shaqada Xarunta Safaaradda ka socota.