Maamulka Hirshabeelle Oo War Ka Soo Saaray Dilkii Xildhibaan Maxamed Siyaad

0

Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa ka hadashay Dil saakay Gobolka Shabeellaha Dhexe loogu geystay Xildhibaan Maxamed Maxamud Xuurshoow oo ka tirsanaa Baarlamaanka Hirshabeelle.

Qoraal uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyadda Hirshabeelle Daa’uud Xaaji Ciro ayaa waxaa loogu tacsiyeeyay geedi Marxuum Xildhibaan Maxamed Siyaad, kaasi oo ay dileen Al-shabaab, kadib markii ay kala degeen gaari uu la socday xili uu marayay duleedka Balcad.

Sidoo kale Qoraalka Afhayeenka Hirshabeelle ayaa waxaa tacsi loogu diray Qoyskii, qaraabadii, Asxaabtii iyo dhamaan shacaka Maamulkaas  ee uu ka baxay Xildhibaan Maxamed Siyaad oo ka tirsanaa Hirshabeelle.

Marxuum Maxamed Siyaad ayaa kasoo ambabaxay Magaalada Jowhar, isagoo soo raacay gaari nooca Soomaalida u taqaano Hoomey-da, hayeeshee xubno Al-shabaab ayaa gaariga kala degay, kadibna dilay.

Hoos ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray Afhayeenka Hirshabeelle.

“Anigoo ah Afhayeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Daauud Xaaji Cirro kuna hadlaya Afka Madaxweynaha, Madaxweyne Ku Xigeenka, Xubnaha Golaha Xukuumada iyo guud ahaan Shacbiga Dowlad Goboleedka Hirshabeelle waxan halkaan kaga tacsiyadeynaya geeridii xanuunka badneyd ee ku timid Alle ha u Naxariistee Ex Xildhibaan Marxuum Maxamed Maxamud Xuurshoow ( Maxamed Siyaad ) oo maanta Alshabaab ay ku dileen Tuulada yaaqle oo hoostimaada Degmada Balcad” ayaa lagu yiri.

Allaha u Naxariistee Ex Xildhibaan Marxuum Maxamed Siyaad soo saaka safar dhulka kaga soo baxay Magaalada Jowhar kuna soo jeeday Magaalada Muqdisho ayay koAlshabaab u galeen deegaanka gololeey iyagoo halkaa kala degay gaari uu saarna kadibna ku dilay deegaanka yaaqle.

Marxuum Xildhibaan Maxamed Siyaad waxa uu ahaa nabadoon naxariis badan afgaaban saciim ah ahlu diin-na ah waxaana Eebbe uga baryayaa naxariistiisa janno qabrigana allaha u waasiciyo.