DHAGEYSO:-Madaxweyne Qoor Qoor ka hadlay gaba-gabada socdaalkiisii nabada Galmudug

0

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo socdaalkii uu ku marayey deegaanada Galmudug ku tegay magaalada Gurceel ee gobolka Galgaduud ayaa dadka ku nool magaaladaas kula hadlay goob fagaare ah.

Qoor Qoor ayaa Gurceel ka sheegay in safarkiisii uu maalmahaan ku marayey deegaanada xorta ah ee gobollada Mudug iyo Galgaduud ee Galmudug, uu ku soo gaba-gabeynayo Gurceel, isaga oo u mahad celiyey shacabka ku nool magaaladaas oo si weyn u soo dhaweeyay.

Sidoo kale Madaxweyne Qoor Qoor ayaa sheegay in Gurceel ay muhiim u tahay Galmudug iyo guud ahaan Soomaaliya, isaga oo xusay inay tahay magaaladii ugu horeysay ee uu ka bilaawday dagaalka lagula jiro ururka Al-Shabaab.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa xalay ku hoyday magaalada Gurceel, waxaana lagu wadaa in maanta isaga iyo wafdigiisu ay dib ugu laabtaan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug oo si milgo iyo sharaf leh loogu soo dhaweeyey Degmada Guri-ceel ee Gobolka Galgaduud. Wafdiga Madaxweynaha waxaa kamid ahaa; MW-ku xigeenka Cali Ciid, Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee GBDGM iyo xubno kamid ah gollaha wasiiradda GM.

Madaxweynaha Galmudug oo si milgo iyo sharaf leh loogu soo dhaweeyey Degmada Guri-ceel ee Gobolka Galgaduud.Wafdiga Madaxweynaha waxaa kamid ahaa; MW-ku xigeenka Cali Ciid, Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee GBDGM iyo xubno kamid ah gollaha wasiiradda GM.

Slået op af Galmudug State House i Lørdag den 4. juli 2020