Xildhibaannada Golaha Shacabka oo go’aan ka gaaray asteynta kuraasta Golaha Shacabka

0

Kulan xalay  ay yeesheen Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa go’aan looga gaaray asteynta kuraasta Golaha Shacabka, iyadoo Xildhibaanka ku fadhiya kursiga loo madax banaaneeyay in meesha uu rabo uu geysan karo oo beesha degto, iyadoo uusan ka bixin maamul goboleedka markii hore laga soo doortay.

Maanta oo Talaado ah ayaa la filayaa in Golaha Shacabka uu ansixiyo xeerka asteynta kuraasta Baarlamaanka soomaaliya.

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa waxaa ay ka hadli doonaan Akhrinta 1aad ee Xeerka Hay’adaha Aan Dawliga ahayn.

Mudanayaasha golaha shacabka ayaa maalmahan waxaa ay ansixiyeen Xeerar iyo sharciyo horyaalay xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka soomaaliya.