Shiinaha oo meel mariyay sharci lagu xakameynayo rabshadaha Hong Kong

0

Dowladda Shiinaha ayaa meel marisay sharci muran xoogan uu ka taagan yahay oo lagu sugayo amniga Jasiiradda Hong Kong oo maamul ahaan hoos tagta Shiinaha.

Meel marinta sharcigan ayaa kusoo aadaysa xilli cabsi xoogan laga muujinayo amniga dadka Dimoqoraadiyada u ololeeya ee halkaasi ku sugan.

Sharcigan ayaa sidoo kale awood dheeraad u siinaya ciidamada Hong Kong in ay kaga hortagaan rabshadaha. Badi dadka ku dhaqan Ismaamulka Hong Kong ayaa dalbanaya in ay ka madax banaanaadaan Shiinaha intiisa kale.

Dowladda Beijing ayaana sheegaysa in rabshadaha Hong Kong ay ku lug leeyihiin dowladdo shisheeye