Hay’adda Caafimaadka Dunida oo ka digtay in kasii dari karto halista Caabuqa Karona

0

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa ka digaysa in halista Covid-19 ay ka darraan doonto mustaqbalka dhaw sidii ay ahayd markii uu dilaacay cudurku lix bilood ka hor.

Madaxa WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sheegay in fayrasku uu ku dhici doono dad badan hadii aan dawladuhu bilaabin in ay dhaqan geliyaan siyaasado haboon.

Wuxu sheegay in dulucda farriintiisu tahay “baadhitaan, la socod iyo karantiimayn.

” In ka badan 10 milyan oo qof oo dunida oo dhan ah ayuu cudurku ku dhacay tan iyo markii cudurku ka dillaacay Shiinaha dabayaaqadii sannadkii hore. Tirada dadka u dhintay ayaa haatan kor u dhaaftay 500,000.