Weerar Lagu Qaaday Saldhig Ay Leeyihiin Ciidanka AMISOM

0

Wararka aan ka heleyno Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay Saldhig Ciidanka Jabuuti ee AMISOM ay ku leeyihiin halkaas lagu qaaday weerar Madaafiic loo adeegsaday.

Dadka deegaanka ayaa waxaa ay u sheegeen in xalay saqdii dhexe ay maqlayeen Jugta Madaafiic Culus, isla markaana ay dareemeen cabsi, maadaama xiliga uu weerarka dhacayay ay aheyd waqti dambe oo dadka ay gurdayeen.

Ilaa iyo dhowr Madfac ayaa la sheegay inay ku dhaceen Saldhiga Ciidanka Jabuuti ay ku leeyihiin Suuqa xoolaha  gaar ahaan Xaaladda Howlwadaag ee Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Weli si rasmi ah looga oga Khasaaraha ka dhashay Madaafiicda lagu weeraray Saldhiga Ciidanka Jabuuti ee qeybta ka ah Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM, siodoo kalena ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidamada.