DAAWO:-Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Galmudug oo gaaray degmada Caabudwaaq

0

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye “Qoor Qoor” oo maalmahan socdaal ku maraya deegaannada Galmudug ayaa maanta lagu soo dhaweeyay Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha Galmudug waxaa socdaalkiisa ku wehliya Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Galmudug mudane Cali Daahir Ciid, Wasiiro iyo Xildhibaanno waxaana markii ay soo gaareen Caabudwaa halkaasi ku soo dhaweeyay qeybaha bulshada ee magaalada, kuwaasi oo sitay boorar ay ku qornaayeen hal ku dhigyo ay ku taageerayaan Madaxda Galmudug.

Guddoomiyaha Degmada Caabudwaaq Mahad Cumar Cilmi ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin soo dhaweynta ay u sameeyeen wafdiga Madaxweynaha Galmudug.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug mudane Cali Daahir Ciid ayaa sheegay in Degmada ay qabto baahiyo gaar ah oo ay u baahanyihiin sidii looga xalin lahaa.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye “Qoor Qoor” oo bulshada la hadlay ayaa sheegay in ujeedka socdaalkooda ay la xiriirto sidii ay ugu kuur geli lahaayeen xaaladda dhabta ah ee ka jirta deegaannada Galmudug.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa inta ay ku suganyihiin Degmada Caabudwaaq waxa ay kulamo la qaadan doonaan qeybaha bulshada, iyagoo la filayo in munaasabadda 1-da Luulyo ay uga qeyb galaan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.