QM iyo Midowga Yurub oo soo dhoweeyay hababka doorasho ee ay soo bandhigtay Xaliima Yarey

0

Qaramada Midoobey iyo Midowga Yurub ayaa taageeray hababkii doorasho ee ay shalay soo bandhigtay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee doorashooyinka Qaran Xaliima Ismaaciil Ibraahim (Xaliima Yarey), iyadoo ka hor-hadleysay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

Qoraal la soo dhigay barta Twitterka ee Xafiiska Qaramada Midoobey ee UNSOM ayaa lagu soo dhoweeyay hababkaas, si loo gaaro doorashada tooska ee Soomaaliga illaa bilowga bisha March ee sanadka 2021.

Hase ahaatee Qaramada Midoobey ayaa ku boorisay wadatashi ballaaran oo dhex mara Hoggaamiyeyaasha siyaasadda ee Soomaaliya si loo gaaro wadar-ogol, sidii horay loogu sii socon lahaa

Sidoo kale waxaa ay ku tilmaameen tallaabo wanaagsan oo horay loo qaaday shirka qorsheysan ee dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ee dhici doona horaanta bisha July ee sanadkan 2020.

Dhankiisa Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicholas Berlanga ayaa ugu hambalyeeyay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaran, isagoo ku adkeeyay baahida loo qabo is afgarad siyaasadeed oo ku saleysan mabaa’diida la isku raacay in la furo saaxada siyaasadda, laga soo bilaabo min xulasho illaa doorasho, iyo doorashada waqtigeeda.

Guddoomiye Xaliima Yarey ayaa shalay soo bandhigtay labo nooc oo doorasho ah, mid lagu qaban karo doorashada muddo 13 bilood gudahood oo ka bilaabata bisha July 2020 illaa bisha Agosto 2021 iyo nooca labaad oo ah doorasho labo qabto muddo 9 bilood gudahood oo ka bilaabata July 2020 kuna eg March 2021.

Nooca koowaad

Guddoomiyaha ayaa tilmaantay in sida ku xusan sharciga doorashooyinka, nooca diiwaangelinta codbixiyaha ay noqoto habka casriga ah ee Biometric-ga, kaasoo u baahan hawlo ay kamid yihiin:

In la soo iibiyo qalabka diiwangalinta codbixiyaha

In hay’adaha amniga xaqiijiyaan xarumaha lagu diiwangalin karo codbixiyaha ee la sugi karo amnigooda.

In la fuliyo wacyigelin balaaran si dadwaynuhu uga qaybgalaan is diiwaangalinta
In la geeyo qalabka iyo shaqaalaha diiwangalinta xarumaha diiwaangalinta.

In la diiwaangeliyo codbixiyaasha xaqa u leh codaynta.

Soo saaridda liiska codbixiyaha ee rasmiga.
Qaybinta kaarka aqoonsiga codbixiyaha
Diiwangalinta Rasmiga ah ee Xisbiyada Siyaasadda

Diiwaangalinta Musharixiinta xildhibaannada.
Ololaha Doorashada Xisbiyada.

Qabashada Doorashada (maalinta codbixinta)
Xaliimo Yarey ayaa sheegtay in si ay u qabtaan doorasho habkaasi ku dhacda uu guddigeedu u baahan yahay muddo 13 bilood oo ka billaabaysa July 2020 kuna eg August 2021.

Waxa ay intaa ku dartay in habkaasi aan lagu hirgelin karin waqti kooban ee ka harsan doorashada baarlamaanka oo la filayo inay dhacayso 27 November 2020.

Nooca Labaad

Guddiga Madaxabannaan Ee Doorashooyinka Qaranka ayaa soo bandhigay hab labaad oo ka duwan kan hore, isla markaana ka waqti iyo kharashba yar yahay.

Waa habka diiwaangelinta gacanta ee isla maalinta codbixinta, kaasoo dadka codkooda dhiibanaya lagu diiwaangelinayo gacanta isla maalinta codbixinta iyada oo la adeegsanayo diiwaan qoraal ah.

Xaliimo Yarey ayaa sheegtay in si ay u qabtaan doorasho habkaasi ku dhacda uu guddigeedu u baahan yahay muddo 9 bilood oo ka billaabaysa July 2020 kuna eg March 2021.
Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka dhacdo codbxintii ugu horreysay ee dimuqraadi ah muddo 50 sano kabadan.