MUUDEEY “Puntland hada yaanu la Xumaan Federaalkii ay la dhacsanayd” Dhaliil Baarlamaanka Puntland

0

Siyaasiga Xasan Cabdulqaadir Muudey ayaa sheegay in uu ka xumaaday hadaladii ka soo yeedhay Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland, ee  ku kulmay Magaalada Garoowe .

“Waxaan aad uga xumahay ereyada xanafta leh ee ka soo yeeray qaar ka mida Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland, ee ku saabsanaa sida ay noogu xaqiijiyeen xaqiraadda metelaadda ay helleen shacabka ka soo jeeda Gobalka Banaadir.” Ayuu yidhi Xasan Cabdulqaadir Muudey.

Isagoo si adag uga falcelinayay diidmadii Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ku diideen Metelaadda Gobolka Banaadir ayaa wuxuu yidhi “Waxaa soo idlaaday beentii aheyd waxaan ogolnahay in Muqdisho metelaad iyo maqaam yeelato, waxaana horey u ogeyn dhawr jeer oo hore ay u suuragashay Puntland in ay fashiliso xal u helidda xuquuqda dadka reer Muqdisho.”

Wuxuu sheegay inay horaan Maamulka Puntland ka dalbadeen inuu cadeeyo tuhunka ay ka qabaan in Gobolka Banaadir uu yeesho metelaad iyo maqaam u gaar ah.

“Horey ayaan Warbaahinta u marinay in Maamulka Puntland uu cadeeyo shakiga ay ka qabaan in Muqdisho ay hesho metelaad iyo maqaam u gaar ah.”

Sidoo kale bulshada reer Puntland ayuu ugu baaqay inay ka fogaadaan ereyada ka soo yeedhaya siyaasiyiintooda qaar, si aan la isaga horkeenin dadka walaalaha ahi ee wada dhashay.

“Waxaan shacabka Puntland ee Soomaaliyeed la wadaagayaa in ay faham ka qancaan bara-bagaandada ay u soo jeedinayaan shakhsiyaadka raba in ay kala fogeeyaan shacabka walaalaha ah.”

Muudey ayaa Puntland ugu yeeray inaanay la xumaanin hannaanka federalism-ka, ee ay iyadu ka dambeysay in maanta dalka lagu dhaqo, meeshana laga saaro hannaankii awalba dalka lagu xukumi jiray ee Dowladda Dhexe.

“Dalku waa federaal, Puntland yeysan la xumaan federalism-kii ay dalka u dooreen iyo hannaanka uu u socdo, loona meel mariyay metelaadda dadka Muqdisho.” Ayuu yidhi Muudey.

“Dekedda Boosaaso marka ay shacabka Banaadir wax ka soo gaarto oo ay xaq u yeeshaan in degmo ka mida Gobolada Puntland jego xileed ka qabtaan ayay xaq u leeyihiin in Puntland u dooddo wax kasta in la wada leeyahay. Way dhammaatay maalintii dastuurkaa la bedelay, la jebiyay, aad dhihi jirteen, waxaa la jooggaa waqtigii cadaaladda iyo meel-marinta dhameystirka federalism-ka.”