Munaasabad Lagu Qabtay Muqdisho Iyo Mas’uuliyiin Ka Qeyb Galay

0

Magaalada Muqdisho ayaa xalay waxaa lagu qabtay Munaasabadda xuska 20 guurada dib u yagleelida dowladnimada Soomaaliya ee Degmada Carta ee Dijbouti ee Sanadkii 2000.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya, Xildhibaano ka tirsan labada Golle, Wasiiro, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Guddoomiye Cabdiwali Muudey ayaa hadal koowan ka jeediyay xaflada waxa uu ugu horeen umahadcaliyay Madaxweynaha dalka aynu walalaha nahay ee Dijbouti Ismaaciil Cumar Geelle iyo shacabka dowalada Dijbouti oo uu sheegay in ay siweeyn ugu qeeb qaateen dib u u yagleelida dowladnimada Soomaliya Shacabka soomaliyeedana aysan marnaba iloowi doonin abaalka ay ugu galleen walalahooda Dijbouti

Ugu danbeeyntii Guddoomiyaha ayaa umahadceliayay qabanqaabiyaasha xaflada oo ay ugu horeyaan Wasiirka Warfaafitnta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo Wasiirka dhalanyarada iyo Ciyaaraha Khadiijo Maxamed Diriye iyo guud ahaan inta ka soo qeeb gashay Xuska 20.