Beesha Caalamka Oo Fariin U Dirtay Dowladda Somalia Iyo M/Goboleedyada

0

Beesha Caalamka ayaa War kasoo saartay warbixintii Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee Xaliimo Yareey maalin kahor ka jeedisay kulankii Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya, iyadoo kusoo bandhigtay nidaanka Doorashada dalka ee 2020/2021.

War-saxaafadeed kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay Warbixinta Guddiga Doorashooyinka, waxaana Beesha ay hoosta ka xariiqeen sida loogu baahan yahay inay Hoggaamiyeyaasha Siyaasadda yeeshaan wada-xaajood dhab ah.

Sidoo kale Qoraalka Beesha Caalamka ayaa waxaa markale lagu soo dhaweeyay Shirkii wada-tashiga ahaa ee uu Madaxweyne Farmaajo ku Casuumay Madaxda dowlad Goboleedka dalka iyo Gobolka Banaadir, iyagoo ka wada hadli doona arrimo kala duwan oo ku aadan dalka.

Ugu dambeyn Beesha Calaamka ayaa Madaxda dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada ugu baaqday inay sida ugu dhaqsaha badan heshiis uga gaaraan hanaaka Doorashada iyo Khilaafyada siyaasadeed ee dalka.