DHAGEYSO:-Baarlamaanka Hirshabeelle Oo Si Kulul Ugu Jawaabey Baarlamaanka Puntland

0

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa ka Jawaab kulul ka bixiyay hadalo kasoo yeeray Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo ay uga hadleen anixinta Metelaadda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare dalka.

Qaar kamid ah Xildhibaanada Hirshabeelle oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay u sheegeen in hadaladii kasoo yeeray Xildhibaanada Puntland ee uga soo horjeesteen ansixinta 13-ka xubnood ee G/Banaadir laga siiyay Aqalka uu kala fogeyn karo shacabka.

Wasiirka amniga Hirshabeelle ahna Xildhibaan ka tirsan Maamulkaas ayaa waxaa uu u sheegay in hadaladii Xildhibaanada Puntland ee diidmada Metelaada Gobolka ay abuuri karaan dhibaatooyin ay horey uga soo gudubtay Soomaaliya, aysan aheyna in sidaas loo hadlo.

Intaas kadib Xildhibaanada Hirshabeelle ayaa soo saaray War-saxaafadeed, iyagoo u mahadceliyay Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ansixiyay xeerka Meteladda Gobolka oo 13-xubnood looga siiyay Aqalka Sare ee dalka.

Ugu dambeyn Xildhibaanada Hirshabeelle ayaa BaarlamaankaPuntland ugu baaqay inay raali gelin ka bixiyaa hadalo xanaf leh oo ay sheegeen, iyagoona Puntland uga digay kala fogeynta shacabka Soomaaliyeed.