Xasan Sheekh” Hadalka Xaliimo Yarey waa Muddo kordhin riman muddo kordhin kale”

0

Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Maanta Warbaahinta kula hadlayay muqdisho ayaa ka hadlay go’aankii Xildhibaannada Golaha Shacabka ku ansixiyeen 13 Kursi oo Gobolka Banaadir uu ka helayo Aqalka Sare iyo hadalkii Gudoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka.

Xasan Sheekh ayaa soo dhaweeyay mataalada Gobolka Banaadir Aqalka Sare, isaga oo sheegay inay tahay tallaabo horay loo qaaday,waxaana uu u mahad celiyay Xildhibaannada Golaha Shacbaka ee ansixiyay.

Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa ka hadlay hadalkii Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ay ku sheegtay in loo baahan yahay muddo 13 Bilood ah si doorasho loo qabto,waxaana uu sheegay in haalkaasi uu yahay Muddo kordhin riman muddo kordhin kale.

Hadalka Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu kusoo aaayaa xilli qaar kamid ah hoggaamiyeyaasha Mucaaradka ay kasoo hojeesteen hadalkii Guddoomiye Xaliimo yareey halka kuwo kale ay ka aamusan yihiin.