Maxkamadda Ciidamada Oo Bilowday Dhageysiga Dacwada Eedeeysanayaal

0

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida qeybta 27aad oo ufarisatay wajiga 1 aad ee dacwadii loo heystay 2 eedeysane oo mid kamid ah uu yahay shacab halka kan kalane uu  ka tirsan yahay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya.

2 eedeysane oo kala ah Dable Xoogga Cabdi Cabdule Jaliil iyo Shacab Ibraahim Maxamud ayaa loo heystaa lunsasho dhuunta qoriga dhashiikaha ee ay ku howl gali jireen Ururka 40-aad uudada 5-aad qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga

Dhageysiga Fadhiga Maxkamada ayaa waxaa Daah-furay Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada qeybta 27-aad, Gaashanle Maxamed Amiin Cabdule Aadan, Ku-xigeenka xeer ilaaaliyaha guud ee Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida, waxaana goobjoog ka ahaa qareeno u doodayay  labada eedeeysane.

Xeer ilaaliye ku-xigeenka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Gaashanle Maxamed Cabduqaadir Maxamed ayaa garsoorka kahor cadeeyay in eedeysanayaashane ay isku dayeen lunsadaan hantida ciidanka xooga dalka, isla markaana uu Garsoorka ka codsaday in lamarsiiyo ciqaab u qalanta si ay tusaale ugu noqota askarta iyo saraakiisha kale ee katirsan ciidanka xooga dalka soomaliyeed.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada qeybta 27-aad, Gaashanle Maxamed Amiin Cabdule ayaa soo xiray fadhiga Makamadda, isagoo sheegay in dib la isugu soo laaban doono.