Madaxweynaha Galmudug oo ku wajahan Cabudwaaq

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu safar ku tago Magaalada Cabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud oo kamid ah goobaha ugu amniga wanaagsan degaannada Galmudug.

Magaalada Cabudwaaq ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa laga dareemayay u diyaar garoowga soo haweynta wafdiga Madaxweyne Qoor qoor, hayeeshee waraka Maanta la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in dad careysan ay jeex jeexeen Sawiradii iyo boorarkii wadooyinka lagu dhejiyay ee loogu talo galay soo dhaweynta wafdiga Madaxweynaha Galmudug.

Sawiro lagu baahiyay Baraha Bulshada ayaa muujinayay dad jeex jeexaya soona dejinaya Boorarka soo shaweynta Wafdiga Madaxweynaha Galmudug ee degmada Cabduwaaq,kuwaas oo tabashooyin dhowr ah ka qabay Maamulka Cusub ee Galmudug