Jen. Muungaab oo soo dhoweeyay go’aankii Baarlamaanka ku ansixiyay Matalaada G/Banaadir

0

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa soo dhoweeyay Go’aankii Baarlamaanka Federaalka ku ansixiyey in Gobolka Banaadir uu 13 xubnood ku yeesho Aqalka Sare.

Qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay inuu Baarlamaanka Federaalka ku bogaadinayo tallaabada ay qaadeen ee ay ku ansixiyeen inuu Gobolka Banaadir matalaad 13 xubnood ah ku yeesho Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

“Waa arrin bilow iyo horumar ah oo mudan in la soo dhoweeyo, balse kuma filna, waayo sida uu qabo qodobka 9-aad ee Dastuurka KMG ah Baarlamaanka waxaa laga sugayey Maqaamkii Muqdisho oo dhamaystiran, arrintaa oo soo jiitamaysay ku dhowaad 20 aano oo aanay Baarlamaannadii hore waxba ka qaban…” ayuu yiri Guddoomiye Mungaab oo hoggaaminaya Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka ee JDP.