Golaha Wakiilada Somaliland oo Ansixiyay Xubno lagu daray Guddiga doorashooyinka

0

Kulan ay Maanta Magaalada Hargeysa ku yeesheen xubnaha Golaha Wakiilada Soomaliland aya waxaa ay ku ansixiyeen labada xubnood ee xisbiyada Waddani iyo UCID u soo magacawdeen guddiga Doorashooyinka Somaliland.

Labadan Xubnood ayaa horay waxaa u diiday Golaha,waxaana khilaaf ka dhashay uu arrintaasi sameyn ballaaran ku yeeshay Shaqada Xukuumadda Soomaaliland iyo Xisbiyada mucaaradka walow markii dambe laga heshiiyay.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Soomaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa Golaha ka hor Cadeeyay in Xubnahaani ay saxeen wixii hore loogu haystay ee keentay in la diido.

49 Xildhibaan ayaa ansixiyay Cabdifataax ibraahim Xassan oo ka socday xisbiga UCID halka Maxamuud Siciid Sheekh Dalmar oo ka socday Xisbiha WADANI ay u codeeyeen 51 Xildhibaan hal Xildhibaan ayaana ka aamusay.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Soomaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa sheegay in labadaan Xubnood la ansixiyay,isla markaana ay sirasmi ah uga mid yihiin Guddiga doorashooyinka Soomaaliland.