Ganacsato Soomaaliyeed oo dil iyo dhawac loogu geystay dalka Koonfur Afrika

0

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya ganacsato Soomaaliyeed oo dil iyo dhawacyo loogu geystay dalka Koonfur Afrika, kadib markii ay saacadihii lasoo dhaafay weerar kala kulmeen burcad u dhalatay dalkaas.

Weerarka koowaad oo ka dhacay magaalada East london ee gobolka Eastern Cape ayaa waxaa lagu dilay ganacsade Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Daahir Carte. Waxaana marxuumkaas goobtiisa shaqada ku weeraray kooxo burcad Koonfur Afrikaan ah.

Isla dalka Koonfur Afrika waxaa la sheegayaa inuu ka dhacay weerar kale, kaas oo lagu dhaawacay muwaadin kale oo Soomaaliyeed, waxuuna si gaar ah uga dhacay deegaan hoos taga caasimada dalkaas ee Johannesburg.Waxaana ganacsadahaas Soomaaliyeed ee lagu dhaawacay weerarkaas lagu mahgacaabaa Cumar Axmed Dhiblaawe.

Waxaa goobihii ay weerarradaas ka geysteen isaga baxsaday kooxihii burcada Koonfur Afrikaanka ahaa, waxaana guul dareystay howlagllo lagu baacsanayey ay sameeyeen ciidamada Booliska dalkaas.