Dowladda Ruushka oo beenisay inay garab siisay mintidiinta xiriirka la leh Taliban

0

Dowladda Ruushka ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamtay eedeymo loo soo jeediyay oo sheegaya inay ka taageereen mintidiin xiriirka la leh kooxda Taliban, dilal ay u gaysteen ciidamo Mareykan ah iyo kuwo ka tirsan ururka Nato gudaha dalka Afghanistan.

Wargeysyada New York Times iyo Washington Post ayaa soo xigtay mas’uuliyiin ka tirsan sirdoonka Ruushka ku eedeenaya inay ku lug lahaayeen shirqoolo ka dhacay wadanka Afghanistan.

Sida laga soo xigtay New York Times xogtan madaxweynaha Mareykanka Donald Trump waxa ay soo gaartay bishii Maarso, balse Aqalka Cad ayaa iska diiday in uu shaaciyo